Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliye mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka waxa uu ka safray magaalada Muqdisho, waxa uuna kusii jeedaa dalka Jabuuti.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu gundhug uyahay sidii loo xoojin lahaa, xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo labada dowladood uu mugdi soo kala dhexgalay dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay.


