Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo saakay dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo safar hal maalin qaatay ugu maqnaa dalka Congo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii wadahadallo kula yeeshay magaalada Kinshasa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay ay xooga saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika (AU) uu ka ciyaaro horumarka Afrika.


Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday madaxweynaha Koongo in uu fududeeyo wadahadallo dhexmara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ku kuwaas oo diidan muddo kordhinta loo sameeyay