Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Ciidda kaddib hanbaliyo iyo baaq u diray Shacabka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhaddada magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carrafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda Xajka.

Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciidda ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga kasoo horjeeda noloshooda.