Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci muhiim u ah dalka mudana horyaalay

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuq maasuqa oo haray ay u meel mariyeen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sharcigaan la dagaalanka muduq maasuqa ayaa meel marintiisu waxey soo jiitameysay muddo dheer,waxaan ugu dambeyn maanta oo Sabti ah uu madaxweynuhu ku saxiixay munaasabadd lagu qabtay madaxtooyada dalka ee Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabaddii uu ku saxiixay sharcigaas khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka Musuq maasuqa uuna qirsan yahay in dalka uu ka jiro musuq badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa dhamaan  shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa musuq maasuqa la dagay dalka.