Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xeerkii mudo kororsiga

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay xeerkii mudo kororsiga ahaa ee maalin ka hor ay ansixiyeen xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in xalay uu Farmaajo saxiixay sharcigii ay ansixiyeen xubanaha golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12-04-2021,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Dubbe.