Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka ka dalbaday in laga qeyb qaato Taakuleynta Ciidanka.

Muqdisho-KNN-Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka qeyb qaataan taakuleynta iyo niyad dhiska Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaas oo wajahaya daruufo adag oo dhinaca Nolasha ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay hada ka faa’iideystaan fursada la heysto ee ah taakuleynta, niyad dhiska, qalabeynta iyo hormarinta Ciidamada.

Waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay xooga saari doonto ka shaqeyntaa sugida amniga guud ee dalka iyo Xasiloonida Soomaaliya oo baahiyo badan loo qabo.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in si wadajir ah loogu shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa kalsoonida ka dhaxeysa Shacabka iyo Ciidamada.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay kulan uu la qaatay Gudiga Taakuleynta Qaran ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaas oo dhawaan la magacaabay.