Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo shir deg deg ah isugu yeeray madaxda gobolada

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo lagu dabaacay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu isugu yeeray madaxda gobollada shir wadatashi ah.

Sirkaasi waxaa uu dhici doonaa 17-18 bishan September waxaana  lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, sida qoraalka lagu sheegay madaxdu waxay ka arinsan doonaan dardar galinta arrimaha Golaha Ammaanka Qaranka.

Shirkan ayaa ah mid deg deg ah, kaa oo u eg in lagu xallinayo dhiilada madaxda Dawlad goboleedyada kasoo yeertay, gabagabadii shirka Kismaayo.

Waxa ay u muuqataa in meeshii ugu xumeed uu marayo xiriirka Dawlad goboleedyada iyo Dawladda dhexe tan iyo intii la unkay nidaamka federaalka oo hab-dhiska Dawliga ah ee Soomaalida uu xilligan ku jaan go’anyahay.