Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul ugu hadlay qaraxii ka dhacay Baraawe

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qeyb galay kulan lagu sagootinayay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  oo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay goob joog ka ahaayeen.

Kulanka ayaa intiisa badan xubnahii ka soo qeyb galay waxay kaga hadleyn khilaafkii siyaasadeed ee taagnay todobaad yadii aan ka soo guudbnay, waxaana lagu baaqay in halkaas loogu gudbo wixii kala qeyb sanaan ahaa ee jiray.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday qarax miino oo shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koofur-galbeed, wuxuuna madaxweynaha uu muujiyay sida uu uga xun yahay qarixaasi oo ay ku dhinteen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

“Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.