Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyay booqashadii uu ku tagay dalka Qadar

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaba gabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Qadar taas oo qaadatay muddo laba cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar waxaa uu la kulmay asaga iyo wafdigii la socday mas`uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, iyagoona kala hadlay arimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Qadar iyo Shacabkeeda ugu mahad celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Amiirka dalka Qadar iyo xubno kale ayaa soo sagootiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa kuwaas oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.