Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Cumaan

Wafdi uu hoggaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cummaan, waana safarkii labaad uu  Madaxweynaha soomaaliya uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa.

Wafdiga uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde ka sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya.

Marka uu tago madaxweynaha Soomaaliya dalka Cumaan ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi iyo madaxda kale ee ka qeyb galaya tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.