Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay isugu yimaadeen boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo u dabaal dagayay maamuuska maalinta Qiimaha leh ee 26-ka June.

Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa isugu yimid xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaanada laba aqal ee dalka, Saraakiil, boqolaal shacab ah iyo mas`uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeen Salaan sharaf ka qaatay ciidamada Baanbeyda oo si heer sara ah loo diyaariyay.

Madaxweyne Famaajo oo lahadlay boqlaaalka dad weyne ah ee isugu yimid Daljirka Dahsoon wuxuuna yiri xalay oo kale gobalada Waqooyi ayaa iska dulqaaday heeryada gumeysiga islaamarkaana noqaday markii ugu horeysay oo dhuul Soomaaliyeed oo xor ah uu ka dul ba bado calanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowaldiisa ay ka shaqeyneyso midnimada umadda soomaaliyeed iyo isku keeenidooda.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon oo ah goob lagu xasuusto dadka dalka usoo halgamay ee aysan taariikhda xusin.