Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray doorashada Mareykanka

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Joe Bidden iyo Kamala Harris ugu hambalyeeyey guushii madaxtinimo ee doorashadii Mareynkanka ay ka soo hooyeen.

“Soomaaliya waxay idiin rajeyneysaa inaad ku guuleysataan howlihiina. Waxaan sugeynaa wada-shaqyentiina iyo saaxiibtinimadiina dhow. Mareykanka waxa uu saaxiib iyo xulufo xooggan u yahay kobaca iyo horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.


Madax badan oo caalamka ah ayaa dhambaallo hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Bidden.

Marka laga soo tago hambalyada Madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraaha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iyaguna dhambaaladooda hambalyada ah u diray Mr. Joe Biden.

Dhinaca kale madaxweynihii hore Donald Trump ayaa weli diiday in laga guuleystay, isagoo ku doodaya “71 milyan oo cod oo sharci ah ayaan heley, codadkii ugu badnaa ee madaxweyne kursiga ku fadhiya helo abid la igamana guuleysan tani waa weli.