Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo Oo Xalay iyo Maanta kulamo la leh Qeybaha kala duwan ee Bulshada Guriceel.

Guriceel-KNN-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay Waxgaradka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud wuxuu Madaxweynaha uu sheegay in mashaariic hori marineed laga fulindoono Degamada Guriceel iyo Deegaano kale oo hoosyimaada Guud ahaan Goboalda uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shalay gaaray Degmada Guriceel ayadoo halkaas aad loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminaayay.

galinka hore ee maanta ayaa sidoo kale lafilayaa in uu kulamo kale uu layeesho Qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoona galinka danbe ee maanta la filayo in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay u amba baxaan dhanka iyo Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.