Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo xalay xaafiiskiisaa kula kulmay Waare, Lafta-Gareen, Xaaf, Kheyre iyo Filish

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada  Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaare Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintaas iskugu jiray heer federaal iyo heer maamul goboleedba waxa ay iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, amniga iyo sidii wadajir loogu sii amba-qaadi lahaa dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ugu jira dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxdii xalay is kugu timid kulankaas ayaa sheegay in ay isla qireen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer maamul goboleed iyo ilaalinta danta guud ee dalka, xaqiijinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.