Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo Xariga Ka jaray Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabada daah furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo hadda ka socota magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaraya xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeedin doona khudbad taariikhi ah oo ka hadleysa muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay.

Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore iyo Madax ka tirsan Maamul Gobolleedyada.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.