Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wadooyin muhiim ah

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay xariga ka jaray waddo laami ah oo laga dhisayo Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Wadadaas cusub ee uu maanta xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu magac daray halgamaagii Soomaaliyeed Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jaray waddo kale oo gasha xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Xarig jarka Wadooyinkaan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.