Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo “Shacabkii iyo Hantidiisa waa isku dul-dhamaadeen ee amniga wax ka qabta ama Shacabka ka hortaga”

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay canaan kulul kala dul-dhacay Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir, Taliyaha qaybta G/Banaadir, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Afarta Taliye Ciidan ee Soomaaliya kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegayaa in kulanka ay goob joog ahaayeen Guddi ka shaqeeya amniga iyo wacyi gelinta dadweynaha oo xariir la leh hey’adaha amniga Soomaaliya waxa uuna qaatay dhowr saacadood.

Dadkii kulanka ku sugnaa ayaa KNN u sheegay in xalay Madaxweynaha uu qayli iyo canaan uu kala dul-dhacay Taliyaash degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo Mas’uuliyiinta kale ee amniga waxaana ka muuqatay wejigiisa caro saa’id ah sida ay sheegayn dadkii goob jooga ahaa.

“Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan? Yaa idinku dhigan? Hadii aadnan waxba ka qaban Karin amniga Fadlan ka hor wareega Shacabka”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya sida ay shegayn ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

“Uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan inaa soo gudbisaan”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mid kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Madaxweynaha uu soo dhiibay digniintii ugu dambeysay ee la siiyo afarta taliye Ciidan, Guddoomiyaasha degmooyinka, taliyaha qaybta iyo kuwa Saldhigyada Gobalka Banaadir waxaana loo sheegay in uusan u  qaadan doonin waxa ka socda Magaalada Muqdisho.

“Taliyihii iyo Guddoomiyihii degmadiisa wax ka dhacaan ee qaban waayo, waa fasax yuusan isku ceebeynin dadweynaha haka tago, wax idinka dhiman maleh Ciidamada waan idin kordhinay shaqayso ama baneey booska”, ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Madaxweynaha Soomaaliya.