Somali News

Madaxweyne Farmaajo”Siyaasiyiinta xanaaqsan waa ay calaacalaan”

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay kulan looga hadlayay Hormarinta Waxbarasha Dalka ,oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa kulanka ka sheegay in xilligaan ay jiraan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, islamarkaana ay ka  been  sheegayaan marxalada xiligan ka jirta dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay mar walba ku cel celiyaan waxyaabo ay ku niyad jebinayaan dadka Soomaaliyeed,,isla markaana ay beentii xalaal ka dhigeen.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in beesha caalamka loo sheego in amaanka aan la isku haleyn Karin, taasi ayuu sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin, isagoona Sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan ay hadalo calaacal ah ay ku hadlayaan.

Dhawaan ayay aheyd markii siyaasiyiinta iyo madaxda Maamul Gobaleedyada ay ku dhaliileen Dowlada Federaalka soomaaliya in ay wax ka qaban weysay Amaanka dalka, islamarkaana ay caburiso siyaasiyiinta Soomaaliyeed.