Somali News

Madaxweyne Gaas “G/Sool ma`ahan meel lagu ictiraaf raadsado”

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo hadal dhinacyo kala duwan taabana maanta ka hor jeediyay Baarlamaanka maamulkaasi ayaa aad ugu hadlay xiisada ka taagan deegaanada gobolka Sool oo ay isku hayaan Soomaaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri gobolka Sool ma`ahan meel aan la garaneynin cidda iska leh, wuxuu sidoo kale yiri Puntland waxaa lagula jiraa dagaal isirnaceyb ah iyo dagaal Diimeedba.

Shacabka ku dhaqan gobolka Sool ayaa Gaas wuxuu sheegay in laga dulqaataan  colaada ka taagan gobolka wuxuuna ugu laab qaboojiyay in xiisada dhawaan ay soo gaba gabeyn doonaan.

“Sool ma`ahan meel lagu dawarsado, Sool ma`ahanmeel lagu ictifaaf raadsado”ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Gaas.