Uncategorized

Madaxweyne Gaas iyo Qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada oo isku khilaafay Go’aan ka gaarista Xeerka B.S. ee shirkada DP World.

Garowe-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhax galay qaar ka mid ah Golaha wasiiraad maamulka Puntland iyo madaxweynaha Maamulka Cabdiweli Gaas.

Khilaafka ayaa salka ku haaya markii ay ku kala aragti duwnaadeen Madaxweynaha iyo Qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada arinta ku aadan Go`aan ka gaarista mowqifka Puntlan kaga aadan heshiiskii shirkada DP World dalka loogu mamnuucay.

Sida KNN ogaatay go’aankooda oo qoraal ah u gudbiyey Madaxweynaha Puntland balse ma dhicin in Cabdiweli Gaas horkeeno golaha Wasiirada shirkii ay yeesheen Khamista la soo dhaafey.

Sababta Madaxweyne Gaas shirkii golaha Wasiirada u horkeeni waayay go’aankii guddiga uu ka soo saarey DP World ayaa lagu sheegay kadib markii Wasiirada u codeeyey in Puntland aysan go’aan kasoo saarin Arinta DP World ay bilabeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed kuwasoo kulamo ku yeeshey aqalka Madaxweyne ku xigeenka ka dagan yahay magalada Garoowe.