Somali News

Madaxweyne Gaas oo Baarlamaanka Puntland kala hadlaya Xaaladda Tukeraq iyo Guud ahaan Puntland.

Garowe-KNN-C/Wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta hor tagaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland waxa uuna u faah faahin ka siin doonaa Guud ahaan Xaaladda Puntland, Gaar ahaan xaaladda Tukeraq ee gobalka SOOL.

Madaxweyne Gaas ayaa khudbad dheer u jeedin doono Xildhibaanada waxaana la sheegay in Khudbadiisa uu diiradda ku saari doono Arimaha ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka SOOL oo muddo dheer ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhinac amniga ah.

Xildhibaanada Puntland ayaa dhowr jeer hadalo ay jeediyeen waxay ku baaqayeen in Puntland ay ka jawaabto amaanka deegaanadeeda gaar ahaan dhulka uu muranka ka taagan ee ku yaala dhinaca Soomaaliland.