Uncategorized

Madaxweyne Gaas oo kulan deg deh ah isugu yeeray Golahiisa Wasiirada kana arinsanaya Xiisada ka taagan Tukeraq

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiirada kuwaas oo ka arinsanaya xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Saraakiisha ciidanka maamulka Puntland iyo guddiga difaacda Baarlamaanka maamulkaasi.

Deegaanka Tukeraq ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa horay u sheegay in Soomaaliland ay ku soo duushay dhulka Puntland, halka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixine uu sheegay in lagu soo duulay islamarkaana ay iska difaaci doonaan duulaanka lagu soo qaaday.

Labada dhinac ayaa dhagaha ka fureysanaya baaqyada nabadeed ee loo soo jeedinayo kuwaas oo lagu dalbanayo joojinta xiisada ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool.