Kismaayo-KNN-Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa uu gaaray Magaalada Kismaayo ee gobalka jubada hoose.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka weyn ee ku yaala magaalada kismaayo,iyagoona madaxweyne gaas u galbiyay xarunta madaxtooyada dowlad gobaleedka jubbaland.
Sababta uu u tagay Madaxweynaha Maamulka Puntland Ayaa lagu sheegay inuu ka qeyb gali doono shirka golaha iskaashiga oo 3 bishan ka dhacaya Magaalada Kismaayo.
Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa isla Maanta waxaa ay tageen Magaalada kismaayo.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay,iyadoona wadooyinka waa weyn ee Magaalada Kismaayo lagu arkayo ciidamo ka tirsan Kuwa Jubbaland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirka Golaha Iskaashiga diiradda lagu saari doono, Awood qeybsiga Kheyraadka, dib u eegista dastuurka iyo doorashadda 2020-ka.
Shirka ayaa waxaa uu socon doono Sedex Maalin.