Garowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland C-Wali Maxamed Gaas ayaa maanta magacaabay Labo Wasiir oo ka mid noqonaya Xubnaha Golaha Wasiirada ee Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Waxaana loo magacaabay Daahir Xaaji Khaliif iyo sidoo kale C/raxmaan Salaad Maxamuud ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in raga la magacaabay ay yihiin Aqoon-yahaano una qalma shaqada loo magacaabay isagoo ka dalbaday iney wax badan ka qabtaan qeybaha loo dhiibay.