Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhow shir jaraa`id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada ka dhaxtaagan Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo saraakiishii Imaaraadka ee la sheegay in lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xariir qoto dheer isla markaana soo jireen ah”.
Gaas wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in ka Puntland ahaan Imaaraadka ay ka caawiyeen la dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, taba barida ciidamada iyo maalgashi ay ka sameeyeen maagaalooyinka waa weyn ee Puntland.
Cabdiweli Gaas waxuu beeniyay in maalmo ka hor Boosaaso lagu xanibay saraakiil ka soo jeeda dalka Imaaraadka, kuwaas oo Puntland ka caawinayay taba barida ciidamada.