Uncategorized

Madaxweyne Gaas”Soomaaliland waxay ku soo duushay dhul aysan laheyn, waana ka difaacaneynaa”

Garowe-KNN-Madaxweynaha Maamuka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta dib ugu laabtay  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu ugu horayn hambalyo u diray ciidanka Puntland oo uu sheegay inay u diyaar garoobeen difaaca dalka, isagoona xusay in Muuse Biixi uu ku soo duulay dhul uusan lahayn wixii cawaaqib xumo ka timaaddana uu masuul ka noqon doono, madaxweyne Muusa Biixi.

Gaas ayaa intaas ku daray hadalkiisa in ciidamada Puntland ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Soomaaliland.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa maalmahaan waxaa ka taagnay colaad xoogan oo u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, iyadoona wali labada dhinacba, ay isweydaarsanayaan hanjabaadyo, islamarkaana ay wadaan abaabul ciidan.