Somali News

Madaxweyne Geelle oo la kulmay wasiiradii gaaray Jabuuti

Jabuuti-KNN-Maanta oo dalka Jabuuti ay gaareen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteria, ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Jabuuti waxaa ku qaabilay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa wasiiraddan iyo dalalka ay matalayaanba waxa uu  uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan in la xalliyo khilaafka dib udhaca uhorseeday wadama Geeska Afrika.

Qorshaha ugu weyn ee wasiirradan ay Jabuuti u gaareen ayaa lagu sheegay in la xalliyo khilaafka muddada soo jiitamayay ee u dhaxeeya dawladaha Jabuuti iyo Ereteria.