Somali News

Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladaas.

Safarka Shariif Sheekh Axmed uu ku gaaray Magaalada Jowhar ayaa salka ku hayo u tartamida kursi ka mid ah kuraas saddex ah ay dhawaan shaaciyeen Guddiga doorashada Hirshabeelle inay qabanayaan shalay, balse dib loo dhigay doorashadooda.

Kursi uu u sharxan yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ah Kursiga HOP#146, kaas oo uu hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle lagu qabto doorashada Kuraasta kala ah: HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135.

Kuraasta saddex ah waxaa ku tartamayo musharixiin ay ka mid yihiin Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo u taagan Kursiga HOP#141, halka Kursiga HOP#135, ay u sharxan tahay Zamzam Maxamed Cabdi oo walaal la ah Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah kaas oo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.