Somali News

Madaxweyne K/xigeenka Puntland oo booqday isbitaal uu ku jiro Garaad Saleebaan

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta ku booqday isbitaal uu ku jiro Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, kaas oo ku yaala Caasimada Garoowe ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tagey halka uu ka jiifo Isbitaalka, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, isagoo is xog wareysi dheer kadib u rajeeyay soo bogsasho deg deg ah.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa halkaas kulan kula qaatay howlwadeenada Isbitaalka, gaar ahaan dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xanuunka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, isagoo ku boggaadiyay sida ay shaqada u socota, waxaana uu ka dalbaday in Mas’uulad gaar ah iska saaraan daweynta Garaad.