Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Madaxweyne Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Dalka Kenya

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi doonin.

Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Hoos ka daawa muuqaal ku saabsan taariikhda madaxweyne Kenyatta