Uncategorized

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray deegaanada Bariga Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Gobalka Mudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanada ku yaala Bariga gobalka Mudug oo ay inta badan ka dhacaan dagaal Beeleedyada ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka deegaanada Bariga gobalka Mudug waxayna kala hadleen amaanka deegaanadaasi gaar ahaan sidii looga baaqsan lahaa dagaal danbe oo ka dhaca dhulka ay Xoola dhaqatadu ku badan tahay ee Bariga Gobalka Mudug.

Deegaanada ku yaalo Bariga gobalka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Maleeshiyo ka soo kala jeedo Maamulada Galmudug iyo Puntland dagaalkaas oo Sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyada halkaasi ku dagaalamay.

Shirkii maalmo ka hor ku soo Gaba-Gaboobay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug kaas oo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug ayaa xal loogu raadinayay dagaal beeleedyada ka dhaca meelo ka mid ah gobalka Mudug kaas oo dhax-mara Maleeshiyo ka soo kala jeedo Maamulada Puntland iyo Galmudug.