Somali News

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo shir deg deg la qaatay saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.


Shirka amniga ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hugaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo Amisom.

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakisha waxaa la faray amar ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadi shalay ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Degmada Balanbale.