Somali News

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Xilka laga qaaday.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud  ayaa waxaa  ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka  Galmudug Xareed Cali Xareed oo isna dhawaan la sheegay in xilka laga qaaday ayaa waxaa uu Maanta shir gudoominayay kulan ay isugu yimaadeen  xildhibaano tiradooda gaaraya 140 mudane, iyagoona dhamaantood isku raacay in xilka laga qaado  Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabay

Xildhibaanada ku kala sugan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ay xilalkii ka xayuubiyeen dhamaan Masuuliyiinta ugu sareysa  Maamulka galmudug,sida Madaxweynaha Maamulka Galmudug,Kuxigeenkiisa,Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa koowaad ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Khilaafka  u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Haatan waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeed.