Cadaado-KNN- Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu rajo xumo ka muujiyay in xal waara laga garo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Maamulkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in cid xalinaysa Khilaafka Galmudug aanu jirin, islamarkaana mudada 7 Bilood ee harsan sidan ay ku dhamaanayso.
Khilaafka u dhexeeyaya Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa saaameyn ku yeelatay Shaqooyinkii ay qaban lahaayeen Hay’adaha Maamulka Galmudug, Tusaale ahaan Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dejinta.
Tan iyo markii la Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Maamulkaasi.


