Garowe-KNN-Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).
Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul.
Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Karaash oo waraysi siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.
Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi, “Waxaan qoonsaday magacaabista taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu yiri Axmed Karaash.