Somali News

Madaxweyne ku xigeenkii dowlad deegaanka oo loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya

Muqdisho-KNN-Aqalka sare ee Itoobiya ayaa guddoomiye u doortay Aadan Faarax Ibraahim oo horey madaxweyne ku xigeen uga ahaa ismaamulka Soomaalida.

Aadan wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horeeyay ee xil sidaasi u sareeya ka qabta dowladda Itoobiya.

Sidoo kale si guud Soomaalida waxay aqalka sare ee Itoobiya ku leedahay 6- xubnood iyadoo uu aqalku ka kooban yahay 153-Xubnood.

Itoobiya waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada dib loo dhigay, waana sababta ay isu casishay gudoomiyihii hore ee aqalka sare ee dalkaasi kahor doorashada maanta.