Somali News

Madaxweyne ku xigeenno ka soo horjeestay shirkii Kismaayo

Muqdisho-KNN-Madaxweyne ku xigeenada maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdixakiin Camey iyo Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay warbaahinta Kulmiye ayaa caawa usheegay in ay si cad uga soo horjeedaan in xiriirka loo jaro Dawladda dhexe.

Madaxda Dawlad goboleedyada oo muddo ku shirsanaa Kismaayo ayaa akhirkii war ay soo saareen waxa ay sheegeen in ay xiriirka ujareen dawladda dhexe ee Soomaaliya.