Uncategorized

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Shaqadii ka joojiyay Guddoomiyaha Gobolka Awdal

 Hargeysa–KNN–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaana ah ku siisimaha madaxweynaha ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Awdal  Mustafe Cabdi Shiine .

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland islamarkaana uu ku Saxiixan yahay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Awdal uu Shaqadiisa Gudan waayay islamarkaana ay Sabab u tahay Shaqo joojinta Shaqo Gudasho la’aan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Shaqada Gobolka uu sii wadi doono Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka oo Xilkaasi u haynaya Si KMG ah.