Somali News

Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmada Xudur

Xudur-KNN-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Safarka Lafta-gareen uu ku tagay Xudur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee ka howlgala Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen, ayaa sheegay in Maalmo uu joogi doono Xudur, inta uu ku suganyahana  wax badan uu ka qaba doono baahiyaha ka jira Degmadaas, isagoo sheegay in uu u kuur gali doono sida ay u howlgalaan maamulka iyo Ciidanka degmadaas.

 “Waxaan u nimid inaan ogaanno howlaha maamulka ee ka socda degaannada Gobolka gaar, ahaan Degmada Xudur iyo inaan dardar gelino howlaha maamulka, sida shaqada ku socotana ogaano, oo aan ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.