Somali News

Madaxweyne lafta gareen oo gaaray Marka.

Marko-KNN-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxaa ay gaareen Magalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga oo diyaarad uu UN-ka leeyahay kasoo qaaday degmada Xudur ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Ceel-jaale ee duleedka Marka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Hoose,guddoomiyaha degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha deegaanka Ceel-jaale.

Xubnaha la socda wafdiga ayaa waxaa ay safar dhulka ka ah ku tageen Magaalada Magaalada Marka ee Gobalka Shabellada hoose.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin,xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Marka ay kula hadlaan fagaaro ku yaalla Xarunta Maamulka degmada Marka.