Somali News

Madaxweyne Lafta gareen oo ku wajahan degmada Waajid

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta waxa uu ku wajahan yahay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaana kulamo la qaadan doona inta uu joogo magaaladaas maamulka degmada iyo bulshada qeybeheeda kala duwan isaga oo kala hadli doona arimo ay kamid yihiin amniga gobolka iyo arrimaha doorashada.

Ammaanka degmada ayaa saakay aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo badan ay joogaan degmada