Somali News

Madaxweyne lafta gareen oo kulan la qaatay Golihiisa Wasiirada.

Baydhabo-KNN-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane. C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa casha sharaf usameeyay Gollaha Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaana casha sharafta ka soo qeyb galey Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen, Xidhibaano ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka KGS, Wasiiro, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo marrti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay mas’uliyiin kala duwan, iyagoona hambaliyo iyo bogaadin u diray Gollaha Wasiirada cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/qaadir shariif Sheekhuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadley wax yaabaha la taaban karo uu soo qabtey Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane. C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo gabagabadii Munaasabadda ka hadley ayaa waxaa uu balan qaadey in baahiyaha ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid yihiin Waxbarshada, Cafimaadka Amniga iyo Cadaalada ay Xukumadda cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay wax ka qaban doonta.