Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa waxa uu maanta magacaabay guddiga ka shaqeeya maalmaha xorriyada dalka ee nagu soo foodda leh.
Guddigan uu magacaabay madaxweyne Lafta-Gareen ayaa waxa uu ka kooban yahay 13 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo guddoomiyaha gobolka Baay, Cali Wardheere Dooyow iyo guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole .
Xubnahan uu magacaabay madaxweyna, ayaa waxa ay ka shaqayn doonaan, qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka, oo ku beegan 26 bishan June ee aynu ku guda jirno
