Somali News

Lafta gareen oo qaabilay wafdi uu hoggoominayay wakiilka Q.M ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Sidoo kale, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR, iyagoo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Ururuda Argagaxisada ( Al-shabaab iyo Dacaashi) iyo hirgelinta mashaariic hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, iyadoo dhinacyada ay is afgarad ka gaareen waxyaabihii ay ka wada hadleen.