Somali News

Madaxweyne Laftagareen oo bulshada deegaanada K/Galbeed kula kulmay Garoowe.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa la kulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho.

Qaar kamid ah buslhadii uu la kulmay madaxweynaha ayaa watbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wadanoolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan.

“Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.