Somali News

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Hay’adaha Amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhaceen magaalada Baydhaba.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka wasaaaradda Amniga, Saraakiisha  kala duwan ee laamaha Amniga ee maamulka Koofur Galbeed.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Qaar kamid ah saraakiisha Laamaha Amniga iyagoona ka warbixiyay xaallada amni ee deegaanada Koofur Galbeed.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay wadaan  Howlgalo lagu Sugayo Amniga deegnada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dardaarmay inay sii xoojiyaan Dadaalka lagu sugayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa ku suu aadaya xili Isbuucan magaalada Baydhaba ka dhaceen laba qarax oo kala duwan, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac