Somali News

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Soomaaliland aysan wahadal hada la galeynin Soomaaliya.

Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha  Somaliland oo ku sugan degaannada Bariga ee Soomaaliand oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Burca  ee Gobalka Togdheer ayaa sheegay in Xiliggan uusan diyaar u ahayn in wadahadal uu la galo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo Madaxda Soomaaliya ay ka tagaan Deegaanada Soomaaliland aysan la hadli doonin.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa waxaa uu taageeray isbeddelka ka socda Geeska Afrika, isagoona Dowladda dhexe ka dalbaday in ay marka hore ogolaato dowladnimo ay yeelato Somaliland.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay warbixino dhibaato ku ah Soomaaliland u gudbiyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,in kastoo uusan si cad u sheegin warbixintaas.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil.

Lama oga sida ay dowlada federaalka uga falcelin doonta hadalka soo baxay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka muuse Biixi ayaa saaameyn balaaran ku yeelan doono dadaalada ay wadaan  beesha caalamka ee ku aadanaa in la wadahadal siiyo Soomaaliya iyo Soomaaliland.