Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa waxa uu digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga ,waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn.
Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatarb ugu jiraan in ay lumiyaan codsibixiyayaasha.
Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabada dhaqaale lagu uruurunayay aya waxa u sheegay in codbixiyaal badan aysan doonayn in habka siyaasadeed la baabi’iyo.
Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya in uu mid walba noqdo musharaxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka Mareykanka.


