Somali News

Madaxweyne Qoor qoor iyo hoggaamiyaha xisbiga wadajir oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan saacado badan socday Madaxtooyada kula qaatay wafdi uu hoggaamiyay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmareeb saddex ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay caasimada dowladd goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in shirku uu is afgarad ku soo dhammaaday.

“Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya, waxaan markale madaxweynaha Galmudug ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Magaalada Dhuusamarreeb ayaa waxaa kulan ku yeesheen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowladd goboleedyada qaar iyo guddoomiyaha gobolka banaadir, iyadoona halkaasi lagu heshiiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici karta marka la gaaro 2020-2021-ka.

Sawirro