Somali News

Madaxweyne Qoor qoor oo ka qeyb galay shir looga hadlayay covid 19

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho.

Waxaa Madaxweynaha DGGM ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.